Israsaaseyn ka dhacday magaalaada Muqdisho

0
563

Ciidamo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya oo u abaabulan hab beeleed ayaa duhurnimadii maanta iska hor imaad waxa uu ku dhexmaray Waaxda Liiqliiqato ee degmada Kaxda.

Dad degaanka ayaa waxa ay sheegeen in labadan dhinac ay isku heystaan dhul ku yaalla degmada Kaxda oo maalmahanba uu murankiisa taagnaa.

Ciidamada garab ka mid ah waxaa hoggaaminaya nin ganacsade ah oo sheeganaya inuu leeyahay dhulka, halka dhinaca kalena ay ka soo horjeedaan arrintaasi.

Inka badan 10 daqiiqo ayaa la tilmaamay in dhinacyadan halkaasi uu ku dhexmaray iska hor imaad, waxaana ka dhashay khasaare dhinacyadan soo kala gaaray.

Masuuliyiin ka tirsan maamulka degmada ayaa Idaacadda Risaala waxa ay u sheegeen inay ku dhaawacmeen israsaaseyntan ilaa 5 qof oo ka mid ah dhinacyadii ay dirirtu dhexmartay.

Waxaa socda wada hadalo ku aadan sidii dhinacyadan dagaalamay xal nabadeed loo kala dhexdhigi lahaa, iyada oo Waxgaradka degmada ay wadaan howshan.