Ciidamada Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka ee magaalada Gaalkacyo ayaa maanta xiray Wariye C/waaxid Macalin Isxaaq oo ahaa wakiil wareedka Idaacada VOA.
Saraakiisha Ciidamada NISA ayaa u sheegay warbahinta in Wariye C/waaxid Macalin Isxaaq loo haysto war uu ku qoray Webside kaas uu kaga hadlay Dagaalka u dhaxeeya dadka deegaanka iyo dagaalamayaasha Al-shabaab oo ka dhacay deegaano hoos yimaada gobolka Mudug.
Ma jiraan warar intaas dhaafsiisan oo laga helayo xariga Wariye C/waaxid Macalin Isxaaq.