Ciidamada dowlada Soomaaliya gaar ahaan kuwa Xasilinta loo yaqaano ayaa goor dhow Darawal Mooto Bajaaj ku dilay bar koontarool oo ku taala halka loo yaqaano sarta Seybiyaano degmada Hodan ee gobolka Banaadir.
Askarta ayaa toogtay Wadaha Mootada oo la sheegay in uu istaagi waayay kadib markii ciidamada ay fareen in uu istaago.
Laba Xabadood oo Askartu ay ku ridayeen Darawalka ayaa ugu dhacday dhabar taas oo markii hore u dhaawacmay iyadoona markii dambe uu ugu geeriyooday dhawacaasi xili lagu dabiibayay mid ka mid ah Isbitaalada ku yaala magaalada Muqdisho.
Qaar ka mid ah wadayaasha Mooto Jabaata ayaa sheegay in aad ugu xunyihiin falkaas dhacay kuwaas oo muddo daqiiqado ah halkaas isugu soo baxay.
Dhowr jeer oo hore ayey dhacday dhacdooyin badan oo nuucaan oo kale ah oo Askar ka tirsan dowlada ay ku dileyn Darawaliin ka xeynayay Mooto Bajaata.
Saraakiisha ciidamada falkaan geystay ayaa wali ka hadlin sidoo kale laamaha amaanka ee magaalada Muqdisho ayaa ayagane dhankooda ka hadlin dhacdadaan