Kenya oo qirtay inaan laga hortagi karin weerarada Shabaab

0
832

Dowladda Kenya ayaa waxa ay sheegtay in ay adag tahay in laga hortago weerarada xoogaga ururka Al-shabaab ay ka geysanayaan gudaha dalka Kenya gaar ahaan magaalooyinka gobolka Waqooyi Bari ee dalkaasi.

Guddoomiyaha Magaalada Gaarisa Cali Buunow oo la hadlay VOA-da ayaa waxa uu sheegay in Shabaab ay kordhiyeen weerarada ay ka geysanayaan gobolka Waqooyi Bari Kenya, kadib markii bishan gudaheeda ay dhaceen weeraro dhawr ah.

Wuxuu sheegay in ay adag tahay in laga hortago weerarada Shabaab ay geysanayaan, maadaama uu tilmaamay in ay la shaqeeyaan dad ka soo jeeda gobolka Waqooyi Bari Kenya.

“Xuduudka annaga iyo Soomaaliya aad buu u dheer yahay, mana ahan mid maalin walba la taagnaan karo, Shabaab waa dad lugta ku socda meel walba ayay ka soo geli karaan, dowladda intii tabar ah way qabatay, laakiin dad socda lama celin karo, mana laga hortagi karo, mida aad i weydiisay way jirtaa oo ah in dad ka soo jeeda Kenya ay qeyb ka yihiin Shabaab, laakiin ma badna.” Ayuu yiri Guddoomiye Cali Buunow.

Sidoo kale wuxuu sheegay in muhiim ay tahay in laga hortago weerarada Shabaab, si shacabka ay u helaan nolol aan walbahaar ku dhisneyn, taasi bedelkeeda ayuu ugu baaqay laamaha ammaanka Kenya in ay kordhiyaan hawlgalada ammaanka lagu xaqiijinayo.