Dhageyso:-Maamulka G/Shabeellaha Hoose Oo War Ka Soo Saarey Weerar Ka Dhacay Gobolkaas

0
976

Kadib weeraro khasaaro dhaliyey oo ka dhacay deegaanada Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa jira qorshooyin ay Maamulku sheegeen in ay u dejiyeen Amniga Gobolka Shabeellaha Hoose.

Guddoomiye ku xigeenka dhinaca Maaliyada ee Maamulka gobolkaas Cabdi fitaax Xaaji Cabdulle ayaa sheegay in dhibaatada amnidarro ee ka jirta Afgooye iyo tuulooyinka hoostago qorsho loo dejin doono.

Waxa uu sheegay in xalay maqribkii uu ka dhacay duleedka degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha weerar lagu qaaday kolonyo ay la socdeen Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda soomaaliya,isla markaana uu jiro khasaaro ka dhashay

Al-Shabaab ayaa sheegtay masuuliyada weerarkaas,iyaga oo sheegay in ay ku dileen tobaneeyo askari,sidoo kale ay ku gubeen saddex Gaari oo ay laahayeen Ciidamada AMISOM.

Hoos Ka Dhageyso Codka Guddoomiye ku xigeenka dhinaca Maaliyada ee Maamulka G/Shabeellaha Hoose