Dhageyso:-Dowladda Somalia Oo Cadeysay Sababtii Loo Xirey Xafiiskii Maamulka Hawada Ee Nairobi

0
856

Horaantii todobaadkaan ayaa waxaa lasoo xirey Xaruntii Mamulka Hawada Soomaaliya ay ku laheyd  Magalada Nairobi ee dalka Kenya kaas oo 27-kii Sano ee la soo dhaafay laga maamulayey.

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista Hawada Maxamed Cabdullaahi Saalad(Oomaar) ayaa sheegay in inta aan Muqdisho loo soo wareejin Maamulida Hawada soomaliya dhibaato dhanka maqalka ah lagu qabay.

Waxa uu sheegay in Diyaaradii ka soo kacdaa Hindiya markii ay soo gasho Hawada Soomaliya aan la maqli jirin sababo la xiriira in Xafiiska Nairobi uusan aalin qalab wanaagsan oo baahidaas dabooli kara taas beelkeeda muhiim ay aheyd in muqdisho loo soo wareejiyo

Hayeeshee waxa uu sheegay in ay codsaden qalab Casri ah oo ay heleen in lagu rakibo Muqdisho taasina ay keentay in sinadiif ah la’islu maqlo,isla markaana haatan Hawada Soomaaliya sitoos ah looga maamulayo Gudaha Magalada Muqdisho.

Tan iyo wixii ka dambeeyey burburkii dalka waxaa Hawada Soomaaliya laga maamulayey dalka Kenya,iyada oo ay gacanta ku heysay Hay’adda ICAO ee Qaramada Midoobay.

Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista Hawada.