Faafaahino dheeraad ah oo laga helayo Duqeymo maanta ka dhacay deegaanka Ceel-Cade ee gobolka Gedo

0
873

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya duqeymo la sheegay in ay fuliyeen diyaarado dagaal oo ka soo duulay dalka Kenya ayaa ka dhacay deegaanka Ceel-Cadde ee gobolka Gedo.
Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in duqeymahaasi ay sababeyn khasaaro isugu jiro naf iyo maalba.
Inta la xaqiijiyay ku dhawaad 5 ruux ayaa ku dhaawacantay laakiin sida dadka qaar oo la hadlay KNN ay qabaan khasaaraha ayaa intaas ka badan, waxaa kaloo jira xoolo badan oo ku dhamaaday duqeyntaasi, inkastoo aan si rasmi ah loo xaqiijinin tirada xoolo dhamaaday.
Goobaha ay duqeymaha ay ka dhaceyn ayaa ah goob ay daganaayeen dad shacab ah sida goobjoogayaal Idaacada Kulmiye la hadlay ay u sheegeen, lamana oga sababta ka dambeysta in la duqeeyo goobaha ay dagan yihiin dad shacab ah.
Dowlada Kenya iyo laamaha amaanka ee Soomaaliya ayaa wali ka hadlin duqeyntaasi maanta ka dhacday deegaanka Ceel-cadde ee gobolka Gedo