Banaanbax ka dhacay Gaalkacyo

0
697

Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, gaar ahaan qeybta Puntland maanta waxaa ka dhacay Banaanbax looga soo horjeedo Somaliland oo ku aadan xiisada ka taagan degaanka Tukaraq.

Dadka Banaanbaxa isugu yimid ayaa waxa ay wateen boorar ay ku qoran yihiin erayo ay ku diidan yihiin in Somaliland ay soo farageliso dhulkooda, iyaga oo tilmaamay in Puntland ay la garab taagan yihiin muruq iyo maal.

Banaanbaxaasi waxaa soo abaabulay Maamulka Mudug ee Puntland, inkastoo aysan meesha ka muuqan masuuliyiinta Maamulkaasi, hadana Bulshada ay isku soo abaabuleen ayaa fagaaraha laga arkayay.

Qaar ka mid ah Shacabka Gaalkacyo qeybta Puntland ayaa waxa ay sheegeen in ay doonayaan in la joojiyo xiisada ka taagan deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool, sidoo kale waxa ay sheegeen in Somaliland ay ku soo xad gudubtay dhulka Puntland.

Weli waxaa muuqata in ay taagan tahay colaada deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool, oo dagaalo badan ka dhacay ay ku dhinteen dad shacab ah, dowladda federaalka, Beesha Caalamka iyo Culimada ayaa horey Somaliland iyo Puntland uga dalbaday in si shuruurd la’aan ah loo joojiyo colaada Tukaraq.