Qaban Qaabada Shirka Golaha Amniga Qaranka Oo Ka Socota Magalada Baydhabo

0
846

Magalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Baay waxaa Maanta laga dareemayaa qaban qaabadii u dambeysay ee ku aadan in uu halkaasi ka furmo shirka Golaha Amniga Qaranka.

Shirka oo dhowr mar dib u dhacay ayaa sida aan Wararka ku heleyno waxaa lagu wadaa in gelinka dambe ee Maanta uu ka furmo Baydhabo,in kastoo ay macquul tahay in Maalinta Isniinta ah uu dib ugu dhaco.

Shirka ayaa waxaa diirada lagu saari doonaa qodobo muhiim,waxaana ka mid ah Arrimaha Ammaanka, Siyaasada iyo doorashooyinka 2020-ka la qorsheynayo in ay ka dhacaan gudaha dalka Soomaaliya.

Madaxda maamul goboleedyada dalka iyo madax ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa lagu wadaa in ay gaaraan Magalada Baydhabo oo uu shalay tegay Madaxweynaha Shirkaas martigelinaya ee Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Hir-Shabeelle ayaa iyana Jimcihii ka yimid Magalada Nairobi ee dalka Kenya kuwaas oo iyana tegi doono Magalada Baydhabo

Ammaanka Magalada Baydhabo ayaa aad loo adkeeyey,waxana lagu arkayaa wadooyinka qaar ee Muqdisho Ciidamo isugu jira Boolis iyo Millateri.