Waare oo Muqdisho soo gaaray, sheegayna inuu kordhay fatahaada Wabiga Shabeelle

0
612

Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa maanta magaalada Muqdisho waxaa ku soo dhaweeyay Wasiiro iyo Xildhibaano ka kala tirsan Dowladda dhexe iyo Hirshabeelle.

Ujeedka uu magaalada Muqdisho u yimid ayaa waxa uu yahay sidii uu ula kulmi lahaa Guddiga Gurmadka Qaran ee fatahaadaha Wabiyada dalka, oo uu kala hadlayo arrimaha khuseeya gargaarka dadka loo sameynayo.

Wuxuu sheegay wixii ka dambeeyay markii Madaxweynaha Soomaaliya uu booqasho ku tagay magaalada Beledweyne ay kor u sii kacday fatahaada Wabiga Shabeelle, sidoo kalena ay indhaha Beesha Caalamka u soo jeesteen sidii arrintan ay kaalmo uga geysan lahaayeen.

Sidoo kale wuxuu sheegay Madaxweyne Waare in mar Wabiga ay biyihiisa yaraadeen, shacabkiina ay isku dayeen in ay soo laabtaan, balse xalay iyo habeenkii ka horeeyay hadana uu Fatahaad kale sameeyay Wabiga.

Wuxuu tilmaamay wadada xiriirisa Maqdisho iyo Jowhar in ay qarka u saaran tahay in ay go’do, kadib markii uu saameeyay fatahaada Wabiga, wuxuuna dalbaday gargaar dheeraad ah.

Guddiga qaran ee Gurmadka fatahaadaha ayaa tan iyo markii la magacaabay waxa ay wadeen dadaallo loogu gurmanayo dadka iyo deegaannada ay ka jiraan xaaladaha bini’aadninimo ee ka dhashay daadaka, waxaana xubna kamid ah guddigu ay socdaallo ku mareen deegaanno ay daadad ku fataheen halkaas oo ay gaarsiiyeen qaar kamid ah dadkii ay daadadku saameeyeen gargaar isugu jira lacag, raashin, dawo, iyo agab kale oo Muhiim u ah nolosha Aadanaha.