Zidane oo guul daro ka badbaaday xalay ka dib markii safkiisa u kusoo wada bilaawday & Wax qabadka Ronaldo ee kulanka caawa

0
673

Zidane xalay ciyaarayahanadiisa kama soo kala tagin dhamaan waa uu soo xushay si uu guul uga gaaro kooxda Atheletico Club.

Real goor hore ayey ka quusatay loolanka horyaalka La Liga, balse waxaa ay muddooyinkii dambe ciyaarayahanadooda u dhiganayeen kulamada horyaalada qaarada yurub balse caawa dhamaan wa ay wada joogeen.

Madrid qeybtii hore ee ciyaarta isku dayo oo kala duwan ayey sameysay balse ma aysan dhameystirin fursadaha soo maray oo gool ma aysan ka dhigin.

Inaki Williams ciyaarayahanka lagu magacaawo ayaa daqiiqadii 14-aad ee ciyaarta shabaqa Navas uu ilaaliyaha ka yahay soo taabtay kaasoo shaqo dheer ku noqotay Real in goolkasi ay iska so gudaan ka hor inta qeybta hore ee ciyaarta aysan so idlaan.

Kepa Arrizabalaga shabaqiisa waxaa uu ka difaacay 10-kubad oo goo loo filan karay inta kulan ee Real ay la ciyaareen xilli ciyaareydkan.

Real Madrid lagama adkaan lixdii kulan ee u dambeysay ay ku ciyaartay gurigeeda shan ka mid ah wa ay adkaatay halka kulanka kale ay bar baro gashay, 26-goal ayey dhalisay isku cel celis ahaan.

 

Isco iyo Bale oo ciyaarta badal kusoo galeen wax is badal oo la taaban karo kama aysan sameynin markii la eego natiijada ciyaarta taasoo ay wax ka badali waayeen goolasha kooxda lagu lahaa.

C.ronaldo waa xiddiga kaliya ee real ay ku fakato markii uu xaal xumaadoo, daqiiqada ugu dambeysay ee ciyaarta ayuuna bar baro 1-1 ah u keenay Madrid  sidaasina ayey kusoo dhamaatay, 12-kii kulan ee u dambeysay wuxuu dhaliyey 22-goal & kooxaha uu ka dhaliyey:

Saddex gool vs Real Sociedad

Labo gool vs PSG

Hal gool vs Betis

Labo gool vs Alavés

Labo gool vs Getafe

Hal gool vs PSG

Labo goolvs Eibar

Afar gool vs Girona

Labo gool vs Juventus

Hal gool vs Atlético de Madrid

Hal gool vs Juventus

Hal gool vs Athletic Club