Wasiirkii Hore Ee Gaashaandhiga Dowladii Kacaanka Ge,Maxamed Siciid Xersi Morgan Oo Maalintii Shalay ku dhawaaqay in uu yahay musharax U Taagan Xilka Madaxweynaha Maamulka Puntland Ayaa waxaa Tageero U Muujiyay Qaar Ka mid ah dadka ku dhaqan Gobolka Sool”
Dadka ku nool magalada laascaanood oo uu maamulo Maamulka Soomaaliland ayaa aad u soo dhaweeyey musharaxnimda Gen,Morgan,iyaga oo sheegay in ay u rajeynayan in uu noqdo Madaweynaha Puntland.
Waxa ay sheegeen in Madaxweynaha Puntland Cabduweli Maxamed Cali Gaas,uu waqtigiisa dhamaaday,isla markaana Maxamed Siciid Xeri Morgan markii loo doorto Madaxweynaha Puntland ay rajeynayaan in uu dhibaatada ka taagan ka saari doono dadka ku nool deegaannada Sool, Sanaag iyo Ceyn.
Sikastaba Magalalada laascaanood ee gobolka Sool ayaa waxaa haatan gacanta ku haya Maamulka Soomaaliland oo aad uga soo horjeeda Ge,Morgan,iyaga oo sheega in uu dhibaato u geystay dadka ku nool Soomaaliland.