FaaFaahin Iska hor imaad Muqdisho ku dhexmaray Ciidanka NISA iyo rag Shabaab ka tirsan

0
808

Ciidanka Nabad Sugidda Soomaaliya iyo Afar nin oo ka tirsan ururka Al-shabaab ayaa galabta waxa uu iska hor imaad ku dhexmaray Isgoyska Carafaad ee degmada Yaaqshiid.

Ciidanka Nabad Sugidda Soomaaliya ayaa ka war helay in agagaarka Isgoyska Carafaad ay ku sugan yihiin Afar nin  oo Shabaab ka tirsan, kuwaasi oo watay Bastoolado iyo Bambooyinka gacanta laga tuuro, sida saraakiisha ay sheegeena damacsanaa in ay weerar geystaan.

Intaasi kadib Ciidan uu hoggaaminayay Taliyaha Nabad Sugidda degmada Yaaqshiid ayaa ku baxay raggaasi oo ugu tagay Isgoyska kadibna waxay ku amreen in ay hubka dhigaan, balse raggii Shabaab ka tirsanaa ayaa ka biyo diiday amarka Ciidamada, waxaana halkaasi ka dhacayiska hor imaad kooban.

Raggii Shabaab ka tirsanaa ayaa damcay in ay baxsadaan waxayna ku carareen xaafadaha ku dhaw Isgoyska, iyada oo inta uu howlgalkan socday ay dhinacyada isku adeegsadeen rasaas iyo waliba Bambooyinka gacanta laga tuuro.

Iska hor imaadka kadib waxaa goobta tagay Guddoomiyaha degmada Yaaqshiid Axmed Xasan Maxamuud, Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee dhinaca ammaanka iyo siyaasadda Gobolka Banaadir Maxamed C/laahi Maxamed (Tuulax) iyo Saraakiil Ciidan.

Guddoomiyaha degmada Yaaqshiid Axmed Xasan Maxamuud oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu sheegay in Saddex nin oo midi dhaawac yahay ay baxsadeen, halka mid kalena ay dileen, dhankooda ayuu tilmaamay in laga dhaawacay laba Askari oo Nabad Sugid ah.