Akhriso:-Xildhibaan Mahad Salaad Oo Weerar Afka Ah Ku Qaaday Culimadii Shalay Ka Hadashay Bandhig Faneedyadda Lagu Qabto Muqdisho

0
602

xildhibaan mahad salaad oo ka tirsan baarlamaanka soomaaliya oo war qoraal ah soo dhigay Bartiisa Fecbook ayaa weerar afka ah ku qaaday hay’adda culimadda soomaaliyeed oo shalay ka hadlay Bandhig Faneedyadda lagu qabto muqdisho’

Hoos Ka Akhriso Qoraalka Uu Mahad Salaad Soo Dhigay Fecbook

Wadaad aan lahayn Ardo ama Xer ku xiran oo Diinta uu baro. Aanan joogin Masaajid, Mowlac ama xitaa Dugsi Qur’aan caruurta wax lagu baro. Qol ka degan Hotel, kirada qolka iyo cuntada uu cunayana Dowladu ka bixiso, xafladaha Madaxda Dowladu yimaadaana ka khudbeeya kana duceeya, hadalkana hadba sida madaxdu u rabto ugu dhiga waliba iyaga oo daliil raacinaya, in ay maanta kasoo saaraan “FATWO” gabar fannaanad ah oo dalka timid iyaga oo ku andacwoonaya “WAXAA NALOO SHEEGAY IN AY HEESI DOONTO IYADA OO LUG QAAWAN malla waydiiyay:

– Cidda u sheegtay in gabadhu isqaawin doonto!

– Waxa ay uga hadli la’yihiin una sixi la’yihiin qaraxyada iyo dilalka qorsheysan ee maalin waliba ay geysanayaan ardaydii ay iyagu wax soo bareen ee sida qaloocan diinta uga fahmay!

– Waxa u diiday in ay Masaajidyada iyo Mowlacyada tagaan dadkana diinta baraan intii ay ku mashquuli lahaayeen lug gabar fannaanad ah baneysay iyo dhex fariisiga fadhi-ku-dirirka hoteelada ay deganyihiin!

Hon. Mahad Salad