Ayadoo La’filayo in dhawaan magaalada muqdisho ee caasimadda dalka soomaaliya ay bandhig faneed ku qabtaan koox fanaaniin ah oo ay hogaaminayso Kiin Jaamac ayaa waxaa dhalinyaradda soomaaliyeed looga digay ka qeyb galka badhig faneedkaas”
Shir jaraa’id oo maanta Muqdisho ay ku qabteen Hay’adda Culimadda Soomaaliywed, ayaa waxa ay sheegeen in loo baahan yahay in laga hortago Bandhig Faneed ay Fannaaniin Soomaaliyeed ay doonaayaan in ay ku qabtaan Muqdisho 20-ka Bishaan.
Bandhiggaan ayaa waxaa ka mid ah Fanaaniinta qaban doono Fanaanada Kiin Jaamac oo dhawaan Bandhig Faneed ku qabatay Magaalada Nairobi ee Caasimada dalka Kenya.
Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo u hadlay Culimadda, ayaa wuxuu sheegay hay’ad ka mid ah Hay’adaha dowladda, gaar ahaan Gobolka Banaadir masuuliyiin ka tirsan inay ku soo dhaweeyeen Muqdisho fanaaniinta, kuwaasi oo qayb ka wada bandhig faneedka la qabanaayo.
Waxaa uu sheegay in ay dowladda Soomaaliya ay ugu baaqayaan in ay wax laga qabto joojinta Bandhigaasi sidda ay sheegeen Culimadda Soomaaliyeed.
Hoos Ka Daawo Muuqaalka