Wareysi:-Gudiga difaaca oo kulan deg deg ah Ra’iisul Wasaaraha kala yeeshay Xiisada Baled Xaawo

0
600

Ra’iiusl Wasaaraha xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa Gudiga difaaca Golaha Shacabka Soomaaliya waxa uu kala hadlay xiisada ka soo cusboonaatay degmada Balad Xaawo ee u dhaxeysa dadka deegaanka Ciidamada Kenya.

Xildhibaan Sadiiq Warfaa oo ka mid ah xubnaha Gudiga difaaca kana mid ahaa Xubnihii Ra’iisul Wasaaraha la kulmay ayaa sheegay in ay u gudbiyeen cabashada uga timid Shacabka Magaalada Balad Xaawo oo ah in Kenya ay sameysay xadgudub dhanka Xaduudka ah.

Waxa uu shegay Xildhibaanka in kulanka ay qeyb ka ahaayeen Xubno ka mid ah Golaha Wasiirada Soomaaliya,isla markana ay siweyn u wada gorfeeyeen waxa laga yeelayo xadgudubka Kenya ee Xaduudka Soomaaliya dhanka Balad Xaawo.

Shacabka Soomaaliyeed ayuu sheegay in looga bahaan in ay ogaadaan in dowladooda aysan raali ka aheyn isla markaana laga shaqeyn doono sidii arrintasi xal waara looga keeni lahaa,sidoo kaelna ay kulan deg edg ah la qaadan doonaan Wasiirada Arrimaha Gudaha iyo Dibada Soomaaliya.

Hoos Ka Dhageyso Codka Xildhibaan Sadiiq Warfaa oo ka mid ah Gudiga Difaaca Golaha Shacabka.