Xiisad u dhaxeysa Ciidamada Kenya iyo dadka deegaanka oo ka taagan Beladxaawo.

0
676

Ciidamada Meliteriga dowlada Kenya oo wata Gaadiidka gaashaaman ee dagaalka oo hor leh ayaa saakay gudaha u galay Magaalada Beladxaawo ee gobolka Gedo, iyadoo halkaasi horay ay u joogeen ciidamo kale oo dowlada halkaas ay horay ugeysay.

Dadka ayaa ka baqdin qaba dhismaha Darbiga Kenya ay ka dhiseyso inta u dhaxeysa magaalooyinka Beledxaawo iyo Mandheera, ee Soomaaliya, waxayna shacabka ay ka walaac ka muujinayaan in darbigan uu saameeyo guryahooda.

Maalmihii dambe ayaa dadka ku nool magaalada Baladxaawo ee gobolka Gedo waxa ay dhigayeen Dibad baxyo balaaran oo arintaan ay kaga soo hor jeedaan.

Wargaradka ku nool degmadaasi oo la hadlay KNN ayaa sheegay in arintaan ay wax ka qaban waayeen mas`uuliyiinta maamulka Jubaland iyo kuwa Dowlada dhexe ee Soomaaliya, waxa ayna ugu baaqeen arintaan in ay wax ka qabtaan, shacabkii ay sheegteen in ay maamulaan kuwaas oo ay tilmaameen in ay ku xad gudbeen ciidamada Kenya.