Akhriso Liiska Wadamada Dunida ugu farxada badan (Soomaaliya xagee kaga jirtaa)

0
1952

Warbixin Sanadla ah oo ay soo saartay Qaramada Midoobay ayaa lagu soo bandhigay Wadamada ay kunool yihiin dadka Dunida ugu farxada badan iyo waliba kuwa ugu farxada yar.

Dalka Finland ee kuyaala Qaarada Yurub ayaa Qaramada Midoobay u aqoonsatay in uu yahay dalka ay kunool yihiin dadka Dunida ugu farxada badan, waxa uuna dalkan kaalinta koobaad kala baxay dalka Norwey oo horey hogaanka u hayay .

Qaramada Midoobay ayaa qiimeyn ku sameysa dadka dunida kunool ee farxada dareemaya iyo sababta keentay farxadaasi, waxaana natiijada kasoo baxday qiimeyntan lagu ogaaday in dadka ugu farxada badan ee Dunida kunool yihiin Wadamada Iskaandaneefiyaanka.

Dalka Brundi ee kuyaala Qaarada Afrika ayaa noqday dalka ay kunool yihiin dadka ugu farxada yar ee dunida sida Qaramada Midoobay sheegtay, Brundi ayaana kaalintan kala wareegtay Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika.

Soomaaliya ayaa kaalinta 98-aad kaga jirta wadamada ugu farxada badan Dunida, waxa ayna Soomaaliya dhinaca farxada uga horeysaa wadamo badan oo caalamka kuyaala kana mid ah kuwa ugu nabada fiican.

Qaarada Afrika ayaa lagu sheegay in ay kunool yihiin dadka ugu farxada yar ee Dunida, waxaana sababta lagu sheegay in ay ka dhalatay colaadaha iyo baahida ka jirta wadamada Afrika qaarkood .