Khayre oo ka baaqday kormeer uu xalay sameyn rabay

0
895

Raiisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre, ayaa xalay ka baaqday kormeer uu doonayay inuu ku maro Isgoysyo ka mid ah Magaalada Muqdisho, kadib markii ay soo kordheen arrimo xasaasi ah oo Siyaasadeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa balamiyay Suxufiyiinta, waxaana loo sheegay Wariyeyaasha in uu Kormeer sameynayo Khayre, sidaasi awgeedna 12:00 habeenimo ayaa Suxufiyiinta la isugu geeyay Daljirka Daahsoon, halkaasi oo lagu diyaariyay gaadiid badan oo qayb ka noqon lahaa kormeerka Ra’iisul Wasaare Khayre.

Intaasi kadib ayaa Suxufiyiinta waxaa loo sheegay saacad kadib inuu baaqday kormeerkii Ra’iisul Wasaaraha, kadib markii la helay xogta ku aadan Xildhibaano waday abaabul Mooshin ah oo xalay dhan ku dhafarsanaa arrintaasi.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo qaba dareenka Mooshin, maadaama ay jiraan Xildhibaano Siyaasad ahaan ku kacsan, ayaa xalay oo dhan soo jeeday, waxaana ugu dambeyn suuragal noqotay Xildhibaano inay saaka Mooshin ka gudbiyaan Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya dhexdiisa waxaa ka bilaabatay arrimihii Mooshinka, kadib markii Sabtidii todobaadkaan uu furmay kalfadhiga Golaha Shacabka Soomaaliya.

Xiisad siyaasadeed oo aad u kacsan ayaa xilligaan ka jirto Magaalada Muqdisho, xilli sidoo kale ay taagan tahay xasarada Siyaasadeed ee ka dhalatay arrinta Shirkadda DP World