Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo ka hadlay Qaraxii ka dhacay Sh/Hoose

0
690

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Konfur Galbeed somaaliya mundane Shariif Xasan Sheeq Aadan ayaa wuxuu tacsi u diray dhammaan Reer Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo Golaha Wasiirada iyo Xilibaanada dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo Eheladii iyo Qaraabadii Uu Ka Geeriyooday Allaha u naxariistee Marxuum C/Qaadir C/xaxmaan Cali (Baraf) oo ku Geeriyooday inta u dhaxeysa degmada Wanlaweyn iyo degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose Isagoo Ku Jira Hawlihiisa Shaqo Samir Iyo Iimaan Alaha Kasiiyo.

Sidoo kale Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa wuxun tacsi u diray Madaxweynaha Hirshabelle Guddoomiyaha Baarlamaaka Hir-shabeelle iyo dhamaan Xildhibaanada Hirshabeelle inuu Samir iyo imaan Ka siiyo geeridii ku timid Xildhibaan Axmad Cabdi Faarax Kabaweyne inuu Janatul Fardowsa Eebe ka waraabiyo eheladii iyo Qaraabadii uu  ka tegeyna Samir iyo iimaan ka siiyo.

C/qaadir C/raxmaan Cali ayaa ka mid ahaa wafdi uu hoggaaminayay Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo safar shaqo ku tagay degaanka Bali-doogle ee degmada Wanlaweyn, balse Wasiiru Dowlaha iyo xubno kale ayaa safar dhulka ah ku soo aaday dhanka Muqdisho, inta ay wadada ku soo jireen ayay qabsatay Miino dhulka lagu aasay gaarigii uu watay Wasiiru Dowlaha, isla goobta ayayna ku geeryoodeen Wasiirka iyo xildhibaanka

Xoogaga ururka Al-shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda Qaraxa lagu dilay Wasiiru Dowlihii Amniga Maamulka Koonfur Galbeed C/qaadir C/raxmaan Cali (Baraf) iyo Axmed Cabdi Faarax (Kaboweyne) oo ahaa xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle, kaasi oo ka dhacay inta u dhaxeysa degmooyinka Afgooye iyo Wanlaweyn oo ka tirsan Shabeellaha Hoose.