Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay in Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Koonfur Galbeed ay kordhiyeen Howlgallada ay ka wadaan Gobolka Shabeellaha Hoose, ee ka dhanka ah ururka Al-shabaab.
Afhayeenka Madaxtooyada maamulka Koonfur Galbeed Nuuradiin (Gacma) oo la hadlay Idaacadda radio cadaado ayaa sheegay in Gobolka loo qorsheeyay Ciidan gaaraya 2,500 hadana uu socdo abaabul ku aadan qaabkii Ciidamadan loo dhisi lahaa oo qeybtood ay hadaba diyaar yihiin.
Wuxuu sheegay Ciidamadan degaanka ah marka la diyaariyo in ay la wareegi doonaan ammaanka goobaha ay qabsadaan Ciidanka Millitariga iyo kuwa Kummaandooska ah.
Sidoo kale Nuuradiin ayaa sheegay marka Ciidamada uu tababarkooda dhamaado in la siin doono Hub iyo wixii agab ah oo ay u baahan yihiin, si ay Shabaab ula dagaalamaan, ugana saaraan degaanada iyo degmooyinka Gobolka Shabeellaha Hoose.
“Shabaabka mararka qaar weeraro wey sameeyaan balse inta badan waalaga saaray Gobolka, Howlgalka sanadkan cusub bilowday wuxuu noqon doonaa midkii Shabaab looga sifeyn lahaa Gobolka, shacabka waxaan ka codsaneynaa in ay la shaqeeyaan Ciidamada.” Ayuu yiri Nuuradiin (Gacma).
Ururka Al-shabaab ayaa u muuqda kuwa kordhiyay weerarada ay ka geysanayaan Gobolka Shabeellaha Hoose, Jimcihii ina dhaaftay Ismiidaamiye Shabaab ka tirsanaa oo kaxeynayay Gaari Qaraxyo ay saaran yihiin ayaa beegsaday xero Ciidanka Imaaraadka ay ku leeyihiin degmada Afgooye, halkaasi oo uu ka dhashay khasaare kala duwan.