Maamulka Qardho oo ku guuleystay inuu xaliyo gadood ay sameeyeen Ciidamada Birmadka

0
768
SONY DSC

Wararka ka imaanaya magaalada Qardho ayaa sheegaya in Ciidamo ka tirsan Birmadka Puntland ay saaka la waregeen xarunta Wasaaradda Maaliyadda iyo Bangigga magaalada Qardho.

Ciidamada ayaa la sheegay inay ka caroodeen mushaar la’aan muddo saddex bilood soo wajahday, waxaana ay albaabada u laabeen xarumihii ay la wareegeen.

Mas’uuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda Puntland iyo Maamulka magaalada Qardho ayaa markii dambe ku baxay gadoodka ciidamada, iyagoo ku qanciyay in mushaarkooda ay heli doonaan sida ugu dhaqsiyaha badan.

Xaalada ayaa caadi ku soo laabatay, waxaana ciidamada markii lala hadlay kaddib isaga tageen goobta, iyadoo loo balan-qaaday in mushaarkooda la siinayo.

Magaalada Qardho ayaa ka mid ah magaalooyinka ugu nabdoon ee Soomaaliya, iyadoo bilo ka hor uu booqday Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi ballaaran uu hoggaaminayay.