Ciidamada ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xalay Howlgal gaar ah ka fuliyay dhammaan xaafadaha ay ka kooban tahay degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.
Howlgalkan oo ay si gaar u fuliyeen Ciidamada Nabad Sugidda iyo Booliska ayaa waxaa lagu soo qab qabtay ku dhowaad 400 qof, kuwaasi oo dhammaantood ahaa rag, una badnaa dhalinyaro.
Dadkan oo qaarkood laga soo qabtay guryahooda ayaa waxaa la isugu keenay Barxad weyn oo ku taalla gudaha degmada, iyada oo qaarkood la weydiinayay in ay wataan aqoonsiyo iyo in xaafada ay degaan ku yihiin.
Ciidamada ayaa sii daayay dadkii ay ku soo qabteen Howlgalka, marka laga reebo shaqsiyaad dhowr ah oo loo kaxeeyay xarumaha baarista, si su’aalo kale oo dheeraad ah loo weydiiyo.
Guddoomiye ku xigeenka dhinaca amniga iyo siyaadda Gobolka Banaadir Maxamed C/laahi Maxamed (Tuulax) oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay ujeedka Howlgalka in uu ahaa sidii loo xaqiijin lahaa sugidda amniga.
Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa degan degmada Hodan ayuu ka codsaday in ay la shaqeeyaan Ciidamada ammaanka, si looga hortago falalka arbushaada ah.
Mararka qaar degmooyinka Gobolka Banaadir waxaa ka dhaca dilal qorsheysan oo xoogag ka tirsan ururka Al-shabaab ay u geystaan Askarta iyo dadkale oo ay ku eedeeyaan in ay la shaqeeyaan Dowladda Federaalka, taasi oo muujineysa in Ciidamada ammaanka ay ka gaabiyeen howlahooda ku aadan sugidaa amniga.