Munaasabad abaalmarin lagu guduunsiinayay Madaxdii loo arkay in sida wanaagsan u gudatay xilkii loo dhiibay uguna adeegtay Bulshada ayaa xalay lagu qabtay Magaalada muqdisho,iyada oo abaalmarin loogu magacdaray Xil-gudasho Qaran halkaasi lagu bixiyay.
Daraasad laga sameeyay Magaalooyinka Caasimadaha u ah Maamul Goboleedyada dalka ka jira iyo waxqabadka madaxdooda taas oo soo bilaabatay Bishii 0ctoober ee Sanadkii tegay 2017 ayaa ugu dambeyn xalay waxaa Abaalmarin Xil-gudasho Qaran ah lagu gudoon siiyay Gudoomyihii hore ee Gobolka Banaadir ahaana duqa Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed.
Daraasadaan ayaa waxaa aragtiyo lagu weeydiinayay badi Shacabka Soomaaliyeed cida ay u arkaan in sidii loogu talo galay ay u guteen wajibaadkii qaran ee loo dhiibay ee masuuliyadeed Waxaana abaalmarintaas bixinayay Machadka horumariya arrimaha hoggaaminta ee Vision Leadership Academy.
Daraasadaan dadweynaha la weydiinayay ayaa waxaa gundhig u ahaa 8 qodob oo kala ahaa.
1:- Shaqo-abuurka Dhallinyaradda iyo Horumarinta Cayaaraha
2:- Dib-u-heshiisiinta iyo Isdhexgelka Bulshada
3:- Wacyi-gelinta iyo Abaabulka Bulshada
4:- Horumarinta Adeegga bulshada
5:- Dhiirrigelinta wax-soo-saarka Gudaha
6:- Xoojinta Kaalinta Haweenka
7:- Dhinaca Samafalka
Iyo u doodida Xaquuqda Dadweynaha.
Duqii hore ee Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed ayaa ugu dambeyn bogaadiyay Magaca loo xushay abaalmarintaan oo ah Xil-gudasho Qaran,waxa uuna sheegay in ay dhiiragelin u tahay dadka adeegayaasha u ah Bulshadooda.
Hoos Ka Dhageyso Codka Taabit Cabdi Maxamed.