Dhageyso;-Cali Maxamed Geedi”Xirnaashaha Wadooyinka Dhagxaanta Lagu Gooyay Waa Mid Lagu Cuuryaaminayo Shacabka

0
567

Ra’iisul Wasaarihii hore ee dowladii KMG aheyd Cali Maxamed Geedi ayaa ka hadlay wadooyinka xiran ee dhagxaanta lagu jaray oo ku yaalla Muqdisho taas oo ay  dhibaato ku qabaan  Shacabka ku nool Gobolkaan Banaadir.

Cali Maxamed Geedi ayaa sheegay in Wadooyinkaas Go’an oo ay Bulshadu u aragto in ay tahay mid lagu ciqaabayo, loona baahan yahay in Wadooyinkaas la furo.

Waxa uu sheegay in aan amni lagu sugi Karin Wado la xiro taasina ay muhiim tahay in laga gudbo, isla markaana Shacabka loo furo Wadooyinka dhagxaanta looga xiray.

Isaga oo sii hadlayay ayaa waxa uu sheegay in Bilihii u dambeeyay la dareemayay in ay yaraatay xiliyada ay Madaxda baxayaan ama soo degayaan in jidadka laga xero marka loo fiiriyo dowladihii dalka soo maray sida uu hadalka u dhigay.

Hadalkan ayaa waxa uu ku soo aadayaa xili Wadooyinka Jidcadayasha ah ee ku yaalla Muqdisho badankood dhagxaan lagu jaray, isla markaana Gawaarida aysan ka degi Karin laamiga.

Hoos Ka Dhageyso Codka Cali Maxamed Geedi.