Wararkii ugu dambeeyay dagaalka Ciidamada Somaliland iyo Puntland

0
620

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degaanadii gobolka Sool ay ku dagaallameen Ciidamada Maamulada Somaliland iyo Puntland ayaa waxa ay sheegayaan in hadda ay degan tahay Xaaladda degaankaasi inkastoo ay wali jiraan Dhiilo colaadeed.

Sidda ay xaqiijiyeen dadka degaanka dagaalka xooggiisa ayaa joogsaday, waxaana ciidamada Somaliland ay ku sugan yihiin degaanka Tukaraq iyo sidoo kale degaanada hoos yimaada.

Dagaalka ayaa waxaa soo qaaday ciidamada maamulka Puntland, Waxaana la sheegay in Muddo ku dhow hal saac uu dagaalku socday.

Waxa ay sidoo kale xaqiijiyeen dadka degaanka iyo Wariyeyaasha gobolka Sool, in labada dhinac ay wataan Boqolaal ka mid ah Gadiidka dagaalka taasoo dadka Cabsi weyn ku abuurtay.

Degaanka Tukaraq iyo Degaanka God qaboobe ayaa dadkii kunoolaa waxa ay bilaabeen in ay halkaasi ay ka barakacaan.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa xoogeysatay  xiisadda dagaal maamulada Somaliland iyo Puntland.

Puntland ayaa dhawaan ku dhawaaqday xaalad dagaal ka dib markii ciidamada maamulka Somaliland ay qabsadeen degaanka Tukaraq