Madaxweynaha Kenya oo Khudbadiisa Shirka Addis Ababa diirada ku saaray dagaalka Al-Shabaab

0
631
Incumbent President Uhuru Kenyatta speaks after he was announced winner of the presidential election at the IEBC National Tallying centre at the Bomas of Kenya, in Nairobi, Kenya August 11, 2017. REUTERS/Thomas Mukoya – RTS1BEZ4

 

Madaxweynaha dowladda Kenya Uhuru Kenyatta ayaa ka codsaday hoggaamiyayaasha Afrika in ay bixiyaan maaliyad, maamul, iyo ciidan si loo xoojiyo dagaalka ka dhanka ah dagaalyahanada Al-Shabaab ee ka dagaallama Geeska Afrika.

Waxaa uu sidoo kale ka codsaday Madaxda Afrika in ay xoojiyaan taageeradda ay siiyaan ciidamada AMISOM ee ka howlgalla Soomaaliya .

Madaxweynaha ayaa amaanay horumarka  dowladiisa iyo sidoo kale ciidamada AMISOM ay ka sameyeen dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, wuxuuna ka digay   in uu hoos dhac ku yimaado dagaalka ka dhanka Argagixisadda.

Waxaa uu  uga mahadceliyay dowladaha Uganda, Itoobiya, Jabuuti iyo Burundi sidda ay uga  qeyb qaateen amniga iyo xasilinta Soomaaliya iyada oo loo marayo Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM).

Uhuru ayaa sidoo kale u sheegay hoggaamiyeyaasha in Kenya, ay  abuuri doonto Xarun Qaran oo la socota dhaqdhaqaaqyadda Al-Shabaab taasoo lagu magacaabo NCTC, waxaana uu sheegay in sababtii xaruntaasi loo sameynaayo in ay tahay sidii loo ciribtiri lahaa Al-Shabaab.

“Tallaabooyin kale ayaa waxaa ka mid ah barnaamijyada dhaqan-celinta iyo dadaallada kor u qaadaya geeddi-socodka dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, Kenya marwaliba waxa ay garab taagan tahay Soomaaliya,” ayuu yiri  Uhuru Kenyatta.

Madaxweynaha ayaa carabka ku adkeeyay in hawlgallada AMISOM ay sidoo kale dhiiri galinayaan iskaashiga u dhexeeya dadka degaanka iyo ciidamada .

Al-Shabaab ayaa tan iyo Sanadkii 2011-kii weeraro joogto ah ka waday Gudaha dalka Kenya, markaasoo ciidamada dowladda Kenya ay soo galeen Gudaha Soomaaliya.