General Cismaan Nuur Subagle Taliyaha Ciidamada AMISOM ee howlgalka midowga Africa ee Soomaaliya oo la hadlayay Warbaahinta dowladda ayaa faah faahiyay qorshaha Amisom ee ka bixitaanka Soomaaliya iyo Guulaha ay ka gaareen dagaalka ay kula jiraan Al-Shabaab.
Waxa sheegay in ay wadashaqeyn wanaagsani ka dhaxeyso Ciidamada AMISOM iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya taasina ay u suurto galisay in deegaano farabadan kala wareegaan Shabaab.
Waxa uu hadalkiisa intaasi ku daray in MISOM aysan Soomaaliya ka bixi doonin ilaa intalaga helayo Ciidamo u diyaarsan in ay kala wareegaan Amniga.
“AMISOM iskama baxeyso ee qorsho ayay ku baxeysaa waa in la helaa ciidamo u dhameystiran qalabkooda,tababarkooda kala dambeynta ciidamada in uu sara u kaco iyo in ay ciidamada soomaalida ay helaan mushaar iyo daryeel wanasgan lana wiiqo awooda Alshabaab ayuu yiri Generalka Cismaan Nuur Subagle”
AMISOM ayaa horay loo qorsheeyay in ay Soomaaliya ka baxdo horaanta Sanadkaan 2018,in kastoo uusan xiligaan muuqan qorsho ay AMISOM uga baxeyso dalka Soomaaliya.
Hoos Ka Dhageyso Codka Generalka Cismaan Nuur Subagle Taliyaha Ciidamada AMISOM ee Soomaaliya