Nabad Suggida oo sii daysay Kamaal Guutaale & Sayid Cali

0
725

Ciidamada Nabad Suggida Soomaaliya ayaa goor dhaw waxa ay sii daayeen Siyaasiga Kamaal Guutaale iyo Sayid Cali Macalin Cabdulle oo labadaba ka wada tirsan Xisbiga Wadajir ee Magaalada Muqdisho.

Labadan Shaqsi ayaa laga xiray Hotelka Maka Al-Mukarama oo ay ku sugnaayeen, kadib markii ciidamada ammaanka ay galeen oo ay kala baxeen Hotelkaasi.

C/raxmaan C/Shakuur Warsame ayaa xaqiijiyay in ciidamada NISA ay sii daayeen labadan Siyaasi ee kala ah Gudoomiyaha Xisbiga Wadajir Kamaal Guutaale Iyo Xoghayaha Xibsigaasi.

Lama oga illaa hadda sababta rasmiga ah ee ka dambeysay in ciidamada ammaanka ay xiraan shaqsiyaadkaan iyo sababta haddana keentay in horay laga sii daayo.

Kamaal Guutaale iyo Sayid Cali Macalin Cabdulle, ayaanan weli la hadlin Warbaahinta