Al-Shabaab iyo Ciidanka Xoogga oo ku dagaalamay Gobalka Hiiraan.

0
611

Sida ay Sheegayaan Wararka laga helayo Magaalada Balad weyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Dagal u dhexeeya Ciidamada Xoogga iyo Dagaalamayaasha Al-Shabaab uu ka dhacay Duleedka Magaaladaasi,gaar ahaan deegaanka Gemberlaawe oo Balad weyne u jira 5KM.

Dagaalka ayaa socday Mudo saacado ah,islamarkaana Waxaa la maqlayay Dhawaqa Madaafiicda Cul-cules ee labada dhinac ay isku adeegsanayeen waa Dagaalamayaasha Shabaab iyo Ciidamada Xoogga.

Inta la Xaqiijiyay Dagaalkaasi Waxaa ku dhintay hal Askari oo katirsan Ciidamada Dowladda ,Halka Saddex kalena ay ku dhaawacmeen, sida waxaa bartooda ay warka ku faafiyeen ku soo qoray Al-Shabaab.

Dhanka kale Saraakiil ka tirsan xoogga dalka ayaa sheegay in khasaare xooggan ay soo gaarsiiyeen dagaalamayaasha Al-shabaab,islamarkaana ay hada wadaan Howlgalo lagu sii baacsanayo deegaanada ay kaga Sugan yihiin gobalka Hiiraan.

Xaaladda deegaankii lagu dagaallamay ayaa haatan waxaa ay tahay  mid deggan, iyadoo shacabkii halkaasi ku sugnaa ay cabsi badan muujiyeen,maadaana ay Sheegeen in Mararkasto la dul qagaalami karo dadkaasi shacabka ah.

Al-Shabaab ayaa marar badan weerar ku qaaday ciidanka dowladda iyo kuwa Amisom ee ku sugan deegaanno iyo degmooyin ka tirsan gobalka hiiraan.