Guddoomiye Jawaari oo Maanta soo xiraya shirka Golayaasha sharci dejinta dalka

0
627

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa maanta magalada Baydhabo ku soo xiraya Shirka Guddoonka Golaha Shacabka Soomaaliya iyo kuwa Dowladda Goboleedyadda.

Shirkan oo maalintii talaadada ahayd taarkiihdana ku beegneyd 26-Decenber 2017-ka furmay Magaaladda Baydhabo ee xarunta KMG maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha shacabka ee JFS Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa furitaanka shirka ka sheegay in shirarka noocaan ah lagu horumarin karo wada shaqeynta iyo Iskaashiga Dowlada dhexe iyo dowlad goboleedyada sidoo kale loo baahan yahay in dowlada goboleedyada laga qeyb geliyo sameynta shuruucda dalka.

Guddoonada Golayaasha sharci dejinta ee Dowlad Goboleedayada ee shirka ka qeyb galaya ayaa dhankooda ka hadlay muhiimada shirkan uu maamul goboleedyada u leeyahay.

Shirka ayaa la filayaa in si wadajir ah looga soo saaro warmurtiyadeed quseeya sidii wada shaqeyn u dhexmari lahayd Guddonka Golaha shacabka Dowladda dhexe iyo kuwa maamul Goboleedyada.