Weerar iyo dilal xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho

0
682

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal iyo dilal qorsheysan oo xalay ka kala dhacay xaafado ka tirsan Gudaha Magaalada Muqdisho.

Xalay fidkii ayaa waxaa marqura jug culus laga maqlay fariisin Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ku leeyihiin agagaarka Wasaaradda Gaashaanigga, waxana xigay dagaal toos ah oo mudo socday.

Goobjoogayaal ayaa waxa ay sheegeen in jugta ay aheyd weerar bambaanooyinka Gacanta laga tuuro intsi kadibna ay maqlen dhawaqa rasaas la’isku ridayay.

Weli lama cadeyn khasaaraha ka dhashay dagaalkaas balse dadka deegaanka waxa ay sheegeen in mudo kooban kadib xaalada sideedii ay ku soo laabatay saraakiisha ciidamada xoogga dalkana weli kama aysan hadlin weerarkaas.

Dhinaca kale Xaafada Via Roma ee degmada Xamarweyne ayaa waxaa xalay lagu dilay mid ka mid ah Dhalinyaradii uu Shaqaaleysiiyay Maamulka gobolka Banaadir oo lagu Magacaabi jiray Maxamed Ayaanle in kastoo Al-Shabaab ay sheegteen in ay dileen Sarkaal ka tirsan ciidanka Nabadsugida Soomaaliya.

Majirto cid loo soo qabtay dilka Wiilkaas Dhalinyarada ah ee xalay lagu dilay Xaafada Via Roma ee degmada Xamarweyne ee Gobolkaan Banaadir.