Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixiyay Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab kuwaas oo maalmihii la soo dhaafay isku dhiibayay Maamulkaas.
Afhyeenka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Nuuradiin Yuusuf Gacma oo ayaa sheegay in ay isku soo dhiibeen ilaa Saddex Sarkaal oo ka kala yimid degmoyinka Diinsoor Bardaale iyo deegaano kale kuwaas oo la keenay Magaalada Baydhabo.
Waxa uu sheegay in sidoo kale uu Saraakiishaas ka mid yahay Sarkaal Magaciisa uu ku sheegay Macalin Cabdiraxmaan oo ahaa madaxii tababarada Al-Shabaab ee deegaanka Afjiroow.
Sidoo kale waxa uu sheegay in Galabta Magaalada Baydhabo la keenay Sarkaalka yimid degmada Diinsoor kaas oo isaga iyo Ciidankiisa ay isku soo dhiibeen ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed soomaaliya.
Ugu dambeyn waxa uu sheegay in maalmaha soo socda sidoo kale la filayo in ay isasoo dhiibaan Saraakiil kale iyo ciidamo ka tirsan Shabaab.
Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Afhayeenka oo dhameystiran.