Wararka naga soo gaaraya tuulooyin hoostaga degmada Qoryooleey ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa wax ay sheegayaan in madaafiic halkaasi lagu garaacay.
Ciidamo ka tirsan kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ayaa dadka degmada Qoryooley qaarkood waxa ay sheegeen in ay tiro madaafiic ah u garaacday kadib markii Al-Shabaab ay weerar ku soo qadeen Xarun ay Ciidamada AMISOM ka degan yihiin degmadaas.
Deegaanada madaafiic ay AMISOM ku tuurtay ayaa ka mid ah tuulooyinka hoostaga degmada Qoryooley oo ay Al-Shabaab maamulaan welina lama oga khasaaraha ka dhashay.
Fariisinka ciidamada AMISOM ee degmada Qoryooley ayaa dhowr mar waxaa weerar ku soo qaaday dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab,welina dhacdadii Maanta kama hadlin Saraakiisha ciidamada AMISOM iyo Maamulka degmada intaba.