Maanta oo Sabti ah ayaa la filayaa in Xildhibanada Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ay Magaalada Muqdisho ku yeeshaan kulankoodii cadiga ahaa.
Ajendaha kulanka Maanta ayaa ah Warbixinta Guddiga Gaarka ah ee Ku Saabsan Arrinta Cabdikarim Sheekh Muuse Qalbi dhagax kuwas oo laba jeer waqti dheri ah loogu daray.
Cabdirisaaq Cumar Maxamed Gudoomiye ku xigeenka guddigaan ayaa sheegay in Warbixintan oo dhameystiran ay maanta horgeynyan una akhrin doonaan intaas kaidbna ay iyada oo qoran gudbin doonan.
Guddigaan oo Shaqada uu hayay ay waqti badan qaadatay ayaa ka kooban 15 xubnood oo laga soo xulay xildhibaanada Baarlamanka Soomaaliya,waxana ugu dambeyn ay Maanta soo bandhigi doonaan warbixinta ay hayaan.
27-kii Bishii August ee sanadkan markii Dowladda Soomaaliya ay Itoobiya ku wareejisay Cabdi Kariim muuse Qalbi Dhagax oo ka mid ah Madaxda Ururka ONLF ayaa Dowladda waxa ay arrintaasi kala kulantay culeys Siyaasadeed.