Wasiirka warfaafinta dawlada Puntland Mudane Cabdi Xirsi Cali Qarjab ayaa xili u lahadlayey Warbaahinta Puntland wuxuu sheegay inay deegaanada Puntland ay yihiin kuwo nabad galyo ah.
Wasiirka Warfaafinta Puntland ayaa xili uu xarunta dawlada kusoo dhawaynayey Safiirka Dalka China u jooga Soomaaliya uu wuxuu sheegay inay wasaarada warfaafinta Puntland ay aad u doonayso inay hesho wariyaal ku hadla afka China kuwaas oo wararka ka tabiya Tvga iyo Raadyaha Puntland.
Wasiirka ayaa sidoo kale wuxuu sheegay inay xarunta Tvgu ay haysato dhul wayn oo wax badan laga qaban karo isla markaana ay diyaar u tahay cid walba oo dhulkaas ku shaqaynaysa inay soo dhawayso oo wax ku daraysa Tvga iyo Raadiyaha Puntland.
Hoos ka dhagayso Codka Wasiirka.