Sawirro:-Booliiska Kenya iyo Dibadbaxayaal ku dagaalamay Nairobi

0
639

Ciidanka Booliska Kenya iyo dibadbaxayaal, ayaa galabta isu dhacay Magaalada Nairobi ee Xarunta Wadanka Kenya, ka dib markii Ciidanka Booliska ay damceen in ay xoog ku kala eryaan dadkaasi.

Dadkan, ayaa waxay doonayeen in ay soo dhaweeyaan Hogaamiyaha Mucaaradka Kenya, Raila Odinga, xilli uu ka soo laabtay safar uu ugu maqnaa dalka dibadiisa.

Hogaamiyaha NASA, ayaa Garoonka Jomo Kenyatta looga galbiyay toboneeyo gaadiid ah, waxaana soo dhawayntiisa ka qayb qaatay siyaasiyiinta ay Nasa ka wada tirsan yihiin.

Booliska, ayaa gaadiidkii lagu gelbinaayay Raila Odinga ku furay sunta dadka kaga ilmeysiisa, iyadoo taageere-yaashii soo dhaweynayayna ay u adeegsadeen biyaha lagu kala eryo dibadbaxayaasha, halka taageere-yaasha Raila Odinga ay dhegxaan ku tuurayeen ciidanka, iyagoona gubay tiro gaadiid ah.

Shaqaaqada ka dhacday Magaalada Nairobi, ayaa sababtay dhaawaca tiro dad ahi, Intii ay shaqaaqadu ka socotay magaalada waxaa la xiray goobaha ganacsi ee ku yaala goobihii la’isku fara saaray.

Raila Odinga, ayaa dib dalka Kenya ugu soo laabtay, xilli Isniinta soo socota lagu wado in Maxkamadda Sare Kenya ay go’aan ka gaarto doorashadii ku celiska ahayd ee 26-kii bishii hore ee October ka qabsoomtay dalkaasi.

Odinga, ayaa qaadacay ka qaybgalka doorashadaasi, ka dib markii sida uu sheegay aan waxba laga qaban soo jeedintoodii ahayd in wax laga bedelo Guddiga Doorashada.