Mareykanka oo weydiistay AMISOM inay sii joogaan Soomaaliya, taageerana u balanqaaday

0
738

Iyadoo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ay bishii August ee sanadkan isku raaceen in dhamaadka bisha December laga soo saaro Soomaaliya illaa 1,000 askari oo ka tirsan Howl galka AMISOM, ayaa waxaa tallaabadaas ka hor-yimid Mareykanka oo sheegay in aanay xilligan aheyn waqtigii AMISOM ka bixi lahaayeen Soomaaliya, xilli uu sii kordhayo qatarta Argagixisada ee Geeska Afrika.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa ka digtay kororka qatarta Xagjirnimo ee Gobolka, hadii ay sii socoto ka bixitaanka Ciidamada, gaar ahaan Al-Shabaab oo sii kordhiyay weerarada is qarxinta, sida weerarkii 14 October ka dhacay Muqdisho oo lagu dilay in ka badan 300 oo ruux.

Wohlers Marion oo ah Sarkaal ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka oo la hadlay Wargeyska EastAfrican ayaa sheegay in Mareykanka aanu fileyn in askar laga soo saaro bisha December, iyadoo Mareykanka uu diyaar la yahay inuu sii wado taageerada dhanka tababarka, qalabeynta, sahayda iyo la talinta ciidamada, si loo dhiso Ciidamo Soomaali ah, oo bedel u noqda kuwa Howl galka Midowga Afrika.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa horay u shaacisay in ka bixitaanka AMISOM ay la xiriirto arrimo dhaqaale, kaddib markii uu Midowga Yurub uu jaray maalgelinta AMISOM.

Qaraarka Golaha Ammaanka ee ka bixitaanka AMISOM ayaa loo qorsheeyay in dhamaadka bisha December ay baxaan illaa 1,000 askari, halka 1,000 askar kalena ay baxaan bisha May ee sanadka soo socda, waxaana qorshaha ka bixitaanka AMISOM uu sii taxnaan doonaa illaa sanadka 2020.

Hase ahaatee dalalka reer Galbeedka oo uu Mareykanka ugu weyn yahay ayaa walaac ka qaba in xilligan AMISOM ka baxaan Soomaaliya, iyadoo Al-Shabaab aan laga adkaan, isla markaana sii kordhisay weerarada.