Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa in dhowaan safar caafimaad dibadda u aado, sida ay sheegayaan warar lagu kalsoonaan karo.
Sida wararku sheegayaan baaritaanka caafimaad ee Madaxweynuhu dibadda ku tagayo ayaa la hadal hayay bilo ka hor.
Wararka ayaa intaa ku daraya in Madaxweynuhu uu aadi doono dalalka Mareykanka iyo Turkiga midkood uu baaritaan caafimaad u tagayo.
Sidoo kale warar kale ayaa iyana sheegaya inuu jiro dal saddexaad oo laga yaabo in Madaxweynuhu baaritaan caafimaad u aado.
Inta badan Madaxda Soomaalida ayaa safaro caafimaad dibadda u aada, si ay isku soo sameeyaan baaritaan guud.
Dhinaca kale Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa haatan safar caafimaad ku jooga dalka Turkiga, halkaasoo la sheegayo inuu qalliin ku maray.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa la sheegay in bilo ka hor uu safar caafimaad dibadda u aaday.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa la xusuustaa in dhowr jeer oo hore inuu safaro caafimaad uu ku tagay dalalka Jarmalka iyo Turkiga.