Guddiga Doorashada Somaliland oo waqti ku kordhiyay xilliga codeynta

0
677

Guddiga doorashada Somaliland ayaa sheegay in waqtiyo dheeri ah lagu daray goobaha doorashada iyadoo lagu waday in lixda maqribnimo albaabada loo laabo balse guddiga doorashada ayaa sheegay in inta qof uu joogo codeynayo in aan la xiri doonin goobaha doorashada.

Shir jaraa’id oo uu magaalada Hargeysa ku qabtay afhayeenka guddiga doorashada Somaliland Siciid Cali Muuse ayuu ku sheegay in doorashadu ay si nabad ah ku dhacday isla markaana goobaha qaarkood dadka ay codeeyeen illaa iyo 75% halka goobaha qaarna ay codadkooda dhiibteen illaa iyo 50%.

Hase yeeshee waxaa khilaaf uu ka taagan yahay ku dhowaaqista natiijada rasmiga ah iyadoo guddigu uu sheegay in isla caawaba la shaacin doono natiijada goob walba, hase yeeshee natiijada rasmiga ah ay ku dhowaaqi doonaan guddiga doorashada.

Gaadiidka magaalooyinka Somaliland oo maanta dhaqdhaqaaqoodii la hakiyay ayaa lagu wadaa in la fasaxo 8da fiidnimo ee caawa.

Illaa saddex musharax ayaa ku tartameysa doorashada maanta dhacday waxaana ay kala yihiin Cabdiraxmaan Cirro, Faysal Cali Waraabe iyo Muuse Biixi.

Saddexda musharax ayaa waxaa ay ka kala socdaan saddexda xisbi ee ka jirta Somaliland ee kulmiye,Waddani iyo UCID.

Kun iyo lix boqol iyo laba iyo afartan (1,642) goobood oo ku kala yaalla gobollada Somaliland ayaa la qorsheeyay inay codadkooda ka dhiibtaan dad gaaraya 704,000 oo la diiwaangeliyay lana siiyay kaararka doorashada.