DF oo loogu baaqay inay joojiso faragelin la sheegay inay ku hayso M/Goboleedyada (SAWIRRO)

0
862

Waxaa maanta magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, Shir Watashi ah isugu yimid Odayaasha dhaqanka, Xildhibaanada labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka, Siyaasiyiin, Aqoonyahano, Ganacsato, Haween, iyo Dhalinyaro ka soo jeeda deganada maamulada Galmudug iyo Hirshabeele.

Shirkan oo socday mudo saacado ah ayaa waxaa lagu lafa guray xaalada dalka uu marayo dhinacyada siyaasadda, aminga, Federaalaynta iyo dib u heshiisiinta.

Shirka ayaa waxaa lagu dhagaystay natiijada kulamo ay xildhibaanada labada Gole, siyaasiyiinta iyo odayaasha dhaqanka la qaateen Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo Guddoonka labada Gole ee Baarlamaanka.

Xubnihii shirka isugu yimid ayaa waxa ay hoosta ka xariiqeen in xaalka dalku uu marayo meel adag oo aan ka aamus lahayn, waxaana dood dheer ka dib la isku afgartay qodobo gaaraayo ilaa 10 qodob.

Qodobada xubnahan ay isla meel dhigeen ayaa waxaa ugu muhiimsan in ay cambaareynayaan faragelin ay shegeen in Dowladda Federaalka ay kuheyso maamul gobaleedyadda xubnaha ka ah dowladda dhex , gaar ahaan Galmudug iyo Hirshabeelle, In hoggaanka sare ee dalka ay xasuusinayaan in uu xil ka saaran yahay ilaalinta wadajirka iyo midnimada dalka.

Sidoo kale xubnahan ayaa waxa ay soo jeediyeen in Gobolka Banaadir loo sameeyo Dowlad Goboleed u gaar ah,si shacabka Muqdisho ay u helaan xaqa ay ku leeyihiin Dowladda.

Ugu dambeyntii Dowladda Federaalka ayaa waxa ay ugu baaqeen in ay mudnaanta kowaad siso dejinta xiisadaha siyaasadeed ayna u howlgasho abuurista jawi wada shaqeyn si loo helo xasilooni siyaasadeed oo suurtagalisa in arrimo badan oo wax ka qabasho u baahan.

 w\q\ wariye cabdullaahi qanciye