Kulan dhexmaray Wasiir Juxa iyo Shariif Xasan oo Muqdisho yimid (SAWIRRO)

0
1082

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ka yimid magaalada Baydhabo ayaa maanta waxa ay soo gaareen magaalada Muqdisho, si ay uga qeyb galaan shirka Muqdisho ka furmaya 28-ka bishan oo berri ku beegan.

Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho waxaa ku soo dhaweeyay Shariif Xasan iyo Wafdigiisa Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Cabdi Faarax Juxa iyo xildhibaano Baarlamaanka ka tirsan oo ka soo jeeda Koonfur Galbeed.

Kadib gudaha Garoonka Diyaaradaha waxaa kulan ku yeeshay Madaxweynaha koonfur Galbeed iyo Wasiir Juxa, waxayna ka wada hadleen arrimo la xiriira shirka Dowladda Dhexe iyo Maamul Goboleedyada uga furmaya Muqdisho.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa hadalkan qoraalka ah ku soo qoray bartiisa Facebooka “Anigoo ah Wasiirka Arrimaha Gudaha, oo hogaaminayana wadahadalka dawladda dhaxe iyo Maamul Goboleedyada. Waxaan garoonka Muqdisho Ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Koon-fur Galbeed Sh. Xasan Sh. Aadan”

Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa noqonaya Madaxweynihii ugu horeeyay ee ka socda maamul Goboleedyada ee soo gaara Muqdisho, sidoo kale Muqdisho waxaa ku soo wajahan Madaxda kale.

w/Q Wariye Nuuradiin Nadka