SAWIRRO: Wasiir Juxa oo la kulmay dhigiisa Finland.

0
716

Cabdi Faarax Saciid(Juxa) Wasiirka Arrimaha Gudaha  ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa dalka Finland kulan kula qaatay dhigiisa dalkaasi Mrs. Paula Risikko.

Wasiir Juxa ayaa kala hadlay Haweenayda dalkaasi ka ah Wasiirka Arrimaha Gudaha xiriirka ka dhaxeeya labada dal.

Labada Wasiir waxay kulankooda kaga wada hadaleen xiriirka labada dal, doorka qurba-joogta Soomaaliyeed iyo geeddi-socodka barnaamijka dib-u-heshiisiinta, kaasi oo ay Dowladda Finland taageero weyn ka geysato.

Waxaa uu sidoo kale kala hadlay taageerada dowladda Finland ay siiso dowladda Soomaaliya.

Waxaa uu sidoo kale la kulmay Qaar ka mid ah Bulshadda Soomaaliyeed ee kunool dalkaasi.

 

 

W/Dh.Wariye Nuuradiin Nadka