Booliska Talyaaniga oo qabtay Soomaali hub sharci daro ah u gudbin jirtay Soomaaliya.October 5, 2017

0
717

Booliska dalka Talyaaniga ayaa gacanta ku dhigay Shabakad sharci darro ah oo hubka si sharci darro ah uga ganacsata sida ay sheegayaan Warbaahinta dalka Talyaaniga.

Booliska waxa ay gacanta ku dhigeen 3 Qof oo Soomaali ah iyo qof Talyaani ah kuwaas oo ahaa Muqallasiin Hub sharci darro ah u soo dhoofin jiray gudha dalka Soomaaliya.

Raggan la qabtay ayaa lagu sheegay in ay ka mid yihiin Hay’ad si aan sharci ahayn Hubka uga ganacsata islamarkaana u gudbisa Soomaaliya, iyadoo doorkaasi ay fududeyn jireen dad Soomaali ah.

Booliska Talyaaniga waxa ay intaas ku dareen in Shabakaddan ay Xafiisyo ku leedahay magaalooyin badan oo ka mid ah gudaha Talyaaniga waxaana ka mid ah Tuscany, Campania, Calabria, Emilia-Romagna iyo Sicily.

Shabakaddan ayey sheegeen in ay leedahay Gaadiika Badda ee Maraakiibta,Baabuurta Xamuulka ah iyo agabyada kale ee loogu talo galay in lagu qaado Hubka islamarkaana loogu ganacsado.

Raggan ayaa laga soo xiray Magaalooyinka Florence, Pisa iyo Trapani ee Dalka Talyaaniga, waxaana markii hore la helay xogta arrintan iyada oo kaddibna iyaga la isku raadiyay sidaasna xabsiga lagu dhigay.

 

W/Q Wariye Nuuradiin Nadka