Somaliland oo War kasoo saartay xeerkii uu saxiixay Madaxweyne Farmaajo.

0
671

Maamulka Somaliland ayaa markii ugu horreysay ka hadlay xeerkii isgaarsiinta ee uu dhawaan saxiixay Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed.

Somaliland waxa ay sheegtay in xeerka cusub ee Madaxweyne Farmaajo uu saxiixay in uusan quseyn dowladooda.

Wasiirka Wasaaradda  Boostada iyo Isgaarsiinta maamulka Somaliland, Mustaf Faarax Abraar oo Warbaahinta kula hadlay Hargeysa ayaa tilmaamay in xeerka uusan ka shaqeyn doonin degaanadooda, uuna jiro sharci u gaar ah isgaarsiinta maamulka Somaliland

Wasiir Mustafe ayaa sheegay: “Xeerar caalami ah baa jiro oo lagu maamulo. Waxaa la ogyahay Soomaaliya (dowladda) gacanta wadanka kuma wada hayso. Marka anaga nagama xiri karaan. Maalin dhowna waxaan sameyndoonnaa wax noo gaar ah oo anagu leenahay.” Ayuu yiri Wasiir Abraar

“Xagga isgaarsiinta, wax aan ka wadahadalnay iyo wax inaga dhexeeyo ma jiraan. Waxaan markale ku celinayaa, xeerka madaxweynaha Soomaaliya uu saxiixay, Jamhuuriyadda Somaliland ma quseeyo,” ayuu hadalkiisa ku adkeeyay Wasiir Mustafe.

Sharcigaan waxa uu ka koobanyahay 11 qeybood oo waaweyn iyo illaa 70 qodob oo ka kooban 35 bog oo qoraal ah.

Wuxuu si guud ah uga hadlaya isgaarsiinta noocyadeed kala duwan ee Soomaaliya marka laga reebo isgaarsiinta ciidamadda.