Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ayaa lagu soo dhaweeyay Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed.
Madaxweynaha ayaa maalmihii lasoo dhaafay safar kaga maqnaa Magaalada Baydhabo.
Wasiiro , xildhibaano iyo Shacab ayaa kusoo dhaweeyay Magaalada, waxaana uu sheegay in Koonfur Galbeed ay la shaqeyn doonto dowladda Dhexe ee Soomaaliya.
Waxaa uu sidoo kale sheegay in uu jiro isfahamwaa ka dhexjira Madaxda maamul goboleedyadda iyo dowladda Dhexe, islamarkaana la xalin doono.