Wasiirka amniga: “Xilkeyga ayaan ku waynaa haddii aan la soo qaban raggii dilka X/weyne ka gaystay.

0
720

Wasiirka amniga Soomaliya Maxamed Abuukar Islow (Ducaalle) ayaa walaac ka muujiyay falalka amnidarada ee ka dhaca magaalada Muqdisho iyo dilal qorsheysan oo shalay ka dhacay Magaalada.

Maxamed Abuukar Islaaw, ayaa sheegay in loo baahan yahay soo qabashada dadkii ka dambeeyay dilalkii Xamar weyne ka dhacay, waxaana uu intaasi ku daray, haddii la soo qaban waaya in Saraakiil badan oo ciidamada ka tirsan xilka inay ku waayi doonaan.

Wasiir Islow ayaa sheegay in illaa Axada loo baahan yahay in jawaab cad laga bixiyo ficilkaasi dhacay oo haddii illaa Axada jawaab la heli waaya dad badan xilka in laga qaadi doono.

“Magaalada waa ay xir xiran tahay waxaan ognahay Baabuur dhib gaysto inuusan baxsan Karin, hadana Xamar weyne wixii ka dhacay in la dhaho baabuurka wuu baxsaday la iska yeeli maayo, aniga ayaa xilkayga ku waynaayo.” Ayuu yiri Maxamed Abuukar Islow (Ducaalle).

Warar soo baxaya ayaa sheegaya goobtii shalay dilka uu ka dhacay inay ku sugnaayeen meel ku dhaw Ciidamada Booliska Soomaaliya oo falka dhacay jawaab aysan ka bixin.