Khilaafka u dhaxeeya Madaxda maamulka Galmudug ayaa sii xoogeystay ka dib Markii Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo sidoo kale Madaxweyne ku xigeenka Galmudug ay sheegeen in ay Xabsi guri ku jiraan .
Waxgaradka kasoo jeedda degaanada maamulka Galmudug ayaa bilaabay dadaallo kala duwan oo lagu xalinaayo Khilaafka ka dhaxeeya Madaxda Galmudug.
Xildhibaanada Galmudug ayaa kulan ay yeelan lahaayeen uu baaqday dhowr maalmood ka dib markii la sheegay in ciidamo ka tirsan Nabad Suggida ay u diideen Xildhibaanada in ay galaan Xarunta Baarlamaanka.
Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Galmudug oo la hadlay Warbaahinta waxa ay sheegeen in ay waddaan dadaallo kala duwan oo lagu soo Afjarayo Khilaafka Madaxda Sare.
Gudoomiyaha Baarlamaanka maamulka Galmudug Mudane Cali Gacal Casir ayaa sheegay in lagu wargeliyay Muddo Shan Maalin ah in ay ku jiri doonaan Xabsi guri,islamarkaana aysan ka bixin doonin Cadaado.
Banaanbaxyo waa weyn oo lagu taageeraayay Madaxweyne Xaaf ayaa dhacay Magaalooyinka Cadaado, Hobyo, Gaalkacyo iyo Caabudwaaq.
Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Galmudug ayaa ku baaqay in Madaxweyne Xaaf uu horyimaado Baarlamaanka si Su’aallo looga weydiiyo Go’aankiisa ku aadan taageerada Xulufadda Sucuudiga.