Muxuu Romelu Lukaku Ka Yiri Heestii Ay Jamaahiirta Man United Uga Hadlayeen Xubintiisa Tartanka Ee Loo Arkay Inay ‘Faquuqid’ Tahay?

0
1028

Romelu Lukaku ayaa ka warqaba in taageerayaasha Manchester United ay si wanaagsan u la jeedaan heesahooda, laakiin waxa uu rajeynayaan inay cid walba hore uga gudubto heesta ay ururka Kick It Out ku tilmaameen inay tahay ‘faquuqid’.

24 jirkaan ayaa durbaba noqday xiddig laga jecel yahay Old Trafford tan iyo markii uu lacag qaali ah uga soo wareegay Everton, waxaana qeyb weyn ka geysatay lixdii gool ee uu dhaliyay.

Lukaku ayaa durbaba loo qaadaa labo heesood oo lagu sharfayo iyadoo mid ka mid ah ay tahay tan muran dhalisay ee ay taageerayaasha Man United ku amaanayaan Lukaku weynaanta xubintiisa tartanka, waana heesta uu rajeynayo inay joogsan doonto.

“Taageero weyn ayaan helay tan iyo markii aan ku soo biiray MUFC” ayuu yiri Lukaku sida lagu qoray bogga rasmiga ah ee Twitter ee kooxda Man United. “Taageerayaasha waxyaabo fiican ayay kala jeedaan heesahooda laakiin aan hore uga gudubno. Aan is ixtiraamno.”

Heesta ayaa ah mid ka tarjumeysa waxyaabaha lagu xanto raga madowga ah, taasoo keentay in ururka ka hortaga cunsuriyada kubada caga ee Kick It Out ay ku baaqeen in talaabo laga qaado kuwa qaaday heestaas.

United ayaa la xiriirtay maamulada ku shaqada leh arimahaas si ay u ogaadaan haddii sharciyan ay arintaan tahay mid lagu tilmaamo karo faquuqid, halka ay sidoo kale warbixin ku sheegeen “Inaysan marnaba aqbaleynin faquuqid nooc walba oo ay ahaato.”