Galmudug “Uma dulqaadan doonto faragelinta M/weynaha & R/Wasaaraha.

0
731

Maamulka Galmudug ayaa mar kale soo saaray war saxaafadeed ay ku adkeynayaan mowqifkooda ku aadan go’aanka ay ka qaadatay Khilaafka Khaliijka iyo taageerida ay u muujisay Xulufada Sacuudiga.

War saxaafadeed ka soo baxay Galmudug ayaa waxaa lagu eedeeyay Madaxtooyada Soomaaliya inay fara gelin ku heyso maamulkooda, waxaana gaar ahaan Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ku eedeeyeen in fara gelin xambaarsan dhiilo qabiil ay ku hayaan.

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi (Carabey), Guddoomiyaha Baarlamaanka Cali Gacal Casir iyo Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka ayaa ka hor-yimid go’aankii Madaxweyne Xaaf kula saftay isbaheysiga Sacuudiga.

War saxaafadeedka ka soo baxay Madaxtooyada Galmudug oo uu ku saxiixnaa Wasiirka Warfaafinta, ayaa u qornaa sidan:-

Dawlad Goboleedka Galmudug waxay mar kale ku celinaysa mowqifkeeda ku aadan go’aanka ay ka qaadatay khilaafka dawladaha Khaliijka u dhaxeeya.

Dastuurka ku meelgaarka ah qodobkiisa 53 aad wuxuu dhigayaa in

  1. Iyada oo la qaddarinayo nuxurka iskaashi ee lagu shaqaynayo, xukuumadda Federaalku waa in ay Dawlad- goboleedyada kala tashataa wada-xaajoodyada la xiriira kaalmada dibedda, ganacsiga, cahdiyada ama arrimaha muhiimka ah ee la xiriira heshiisyada caalamiga ah.
  2. Marka ay wada-xaajoodyadu si gaar ahaan u saamaynayaan danaha khuseeya Dawlad- goboleedyada, xukuumadda Federaalku ergada wada-xaajoodka geleysa waxaa kaabaya wakiillo ka socda Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka.
  3. Xukuumadda Federaalka marka ay ka hawlgelayso wada- xaajoodyada, waa in ay isu aragtaa xilgudashadeedana ka muuqtaa in ay tahay ilaaliyaha danaha Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka.

Dawlada Federaalka ah kuma salayn go’aanka ay ka qaadatay khilaafka Khaliijka xiriirka soo jireenka ah iyo danta joogtada ah ee kala dhaxaysa Dawladaha Sacuudiga, Masar, Imaaraadka Carabta iyo Baxrayn. Taa bedelkeeda waxay ka doorbiday in ay taageerto Dawlada Qatar oo taageerta kooxaha aragagexisada ah, iyadoo loogu aabul naqayo qarashkii ay ku bixisay doorashada Madaxweyne Farmaajo ee uu garwadeenka ka ahaa Agaasimaha Xafiiska Madaxweynaha Mudane Fahad Yaasiin. Waxaana go’aanka u qaadanay in aan ilaalino xiriika Istiraatiiji iyo kan diblomaasiyadeed, danaha Ganacsi iyo kan Diineed ee Soomaaliya kala dhexeeya dawladaha afarta ah.

Waxaan uga digaynaa Dawlada Federaalka faragelinta qaawan ee ay ku hayaan maamulka Galmudug. Waxaa wax laga xumaada ah in ay Galmudug u la soo dhexgalaan kala qoqobid iyo caadifad qabiil. Galmudug uma dulqaadan doonto faragelinta iyo dhiilada qabiil ee ay Madaxweynaha iyo Raysalwasaaruhu horay ugula kaceen Hirshabeelle.

Waxaan ugu baaqaynaa Siyaasiyiinta, Odyaasha, Waxgaradka, Aqoon yahanka, Ganacsatada, iyo Culimada kasoo jeeda Galmudug in ay meel uga soo wada jeestaan si wadajir ahna uga hortagaan daandaansiga iyo dhiilada lagu hayo Shacabka Iyo Dawlad Goboleedka Galmudug.

                    DHAMAAD.